MoAI Loading ...

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay madaxa ugu sareeya hey’adda FAO-Somalia iyo qaar ka mid ah masuulin kale ee la socoto.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay madaxa ugu sareeya hey’adda FAO-Somalia iyo qaar ka mid ah masuulin kale ee la socoto.

Masuuliyiintaan ayaa Wasaaradda ku wareejiyay agab xafiiseed kaasoo loogu talagalay Xarunta Hal-abuurka iyo Horumarinta Ganacsiga Beeraha (CIAD), si loo xoojiyo howlaha xarunta iyo taageerada la siiyo dhallinyarada iyo hal-abuurka qaybta beeraha.

Hay’adda FAO ayaa door weyn ka qaadatay dhismaha iyo hirgelinta xaruntan, iyada oo ujeedadu tahay in la dhiirrigeliyo hal-abuurka dhalinyarada, la kobciyo ganacsiga beeraha, isla markaana la taageero dhallinyarada Soomaaliyeed si ay uga qayb qaataan horumarinta iyo casriyeynta beeraha dalka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa uga mahadceliyay hay’adda FAO taageerada iyo wada shaqeynta joogtada ah ee kala dhaxeysa Wasaaradda, isagoo ku amaanay doorka muuqda ee ay ka qaadaneyso horumarinta iyo kobcinta qaybta beeraha dalka.


DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
Call Center:- 507
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.

NEWSLETTER

MONTHLY NEWS LETTER MOAl April 2026…

International Nutrition Expert to Support Climate-Resilient Nutrition-SensitiveAgriculture Interventions in Somalia

1.1 Background Despite ongoing improvements in agricultural productivity, nutrition outcomes in…