PNG MOAI
MoAI Loading ...

Ra’iisul Wasaaraha JFS, ayaa furay Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Beeraha iyo Cuntada oo looga hadlaayo fursadaha maalgashi iyo horumarinta wax soosaarka Beeraha Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha JFS, ayaa furay Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Beeraha iyo Cuntada oo looga hadlaayo fursadaha maalgashi iyo horumarinta wax soosaarka Beeraha Dalka.

Shirweynahaan ayaa Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, ku soo bandhigtay mashaariic, qorshayaal iyo istaraatiijiyado horumarineed oo lagu kobcinaayo wax soosaarka beeraha, laguna dhiirrigelinayo maalgashiga gaarka loo leeyahay, isla markaana kor loogu qaadaayo Sugnaanta cuntada iyo dhaqaalaha dalka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiiro kale duwan, maalgashadayaal, ganacsato, beeraley, bangiyo, jaamacado, hay’adaha caalamiga ah iyo daneeyayaal kale oo ka shaqeeya horumarinta beeraha Soomaaliya.

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
Call Center:- 507
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.