Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa si rasmi ah u furay Carwada Qalabka iyo Tiknolojiyadda Beeraha, oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda.
Carwadaan ayaa lagu soo bandhigay qalab iyo tiknoolojiyad casri ah oo loogu talagalay horumarinta wax soosaarka beeraha iyo kor u qaadidda tayada iyo wax ku oolnimada hababka beerashada. Bandhiggu wuxuu fursad muhiim ah u yahay in beeraleyda iyo iskaashatooyinka beeraha ay bartaan una arkaan qalabka iyo farsamooyinka cusub ee ka caawin kara kobcinta wax soosaarka beeraha dalka.
Bandhigga oo ay kasoo qaybgalay beeraley iyo iskaashatooyin kala duwan oo ka kala yimid Caasimadda iyo gobollada dalka, kuwaas oo si weyn uga faa’iideystay soo bandhigista qalabka iyo tiknoolojiyadda cusub ee lagu hormarin karo beeraha Soomaaliya.
Carwadaan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ku xoojinayso horumarinta beeraha, dhiirrigelinta hal-abuurnimada iyo taageeridda beeraleyda Soomaaliyeed iyadoo shirkdaha ay balan qaadeen qiimo dhimis si loo kordhiyo wax soosaarka iyo sugnaanta cuntada dalka.
DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
Call Center:- 507
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.












