MoAI Loading ...

Waxaa si sharaf leh noogu soo idlaaday kulankii qiimaha badnaa ee Weydii Wasiirka Beeraha, kaas oo ay si balaaran uga soo qaybgaleen bulshada beeraleyda, ganacsatada, iskaashatooyinka, ardayda bartada cilmiga beeraha, bulshada rayidka iyo qaar ka mid ah bangiyada.Kulankaan oo ahaa mid furan, ayaa bulshada u suurtageliyay inay su’aalo toos ah weydiiyaan Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Wasiirka ayaa uga jawaabay si hufan su’aalihii la xiriiray horumarinta beeraha, fursadaha dhaqaale, siyaasadaha cusub ee kor u qaadaya wax soosaarka gudaha iyo jihada uu dalka u socdo dhanka koboca beeraha iyo kobcinta Shaqaalaha dalka. Intaa waxaa dheer, Wasiirka ayaa balan qaaday in kulamo daah-furnaan ku dhisan oo sidan oo kale ah la badin doono, si bulshada ay u helaan xogo dhab ah, isla markaana si toos ah ula socdaan waxqabadka wasaaradda iyo qorsheyaasha horumarinta ee socda.

Gabagabadii, kulankan ayaa noqday mid xoojiyay isfahamka bulshada iyo wasaaradda, waxana loo iftiimiyay muhiimada wadashaqeynta iyo wada-tashiga joogtada ah ee lagu hormarinayo beeraha dalka

weydii_Wasiirka_Beeraha

__

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.