MoAI Loading ...

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay xaflad lagu soo xiray Barnaamijka Tababarka Qalabka Casriga ah ee Beeraha, kaas oo iska kaashadeen Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS iyo Shirkadda Gaalooge.

Tababarkaan oo socday 6 bilood ayaa lagu tababaray 30 dhallinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo la baray xirfadaha kaxeynta, dayactirka iyo cilad bixinta cagafyada beeraha. Tababarkan wuxuu muujinayaa iskaashi wax ku ool ah oo u dhexeeya dowladda iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay, kaas oo horseedaya horumar waara iyo kor u qaadista wax soosaarka beeraha.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS ayaa ka go’an tahy dhismaha jiil dhallinyaro ah oo aqoon iyo khibrad u leh tiknoolojiyadda casriga ah ee beeraha, si loo xoojiyo wax soosaarka iyo horumarka dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), iyo Maamulaha Shirkadda Gaalooge, Sheikh Aden Abdullahi Mohamed, ayaa si wadajir ah u shaaciyay qiimaha dhimista gaar ah oo lagu sameeyay cagafta CASE IH JX45, si beeraleyda Soomaaliyeed ay u helaan qalab tayo leh oo casri ah.

__

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.