Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay madaxa ugu sareeya hey’adda FAO-Somalia iyo qaar ka mid ah masuulin kale ee la socoto.

Masuuliyiintaan ayaa Wasaaradda ku wareejiyay agab xafiiseed kaasoo loogu talagalay Xarunta Hal-abuurka iyo Horumarinta Ganacsiga Beeraha (CIAD), si loo xoojiyo howlaha xarunta iyo taageerada la siiyo dhallinyarada iyo hal-abuurka qaybta beeraha. Hay’adda FAO ayaa door weyn ka qaadatay dhismaha iyo hirgelinta xaruntan, iyada oo ujeedadu tahay in la dhiirrigeliyo hal-abuurka dhalinyarada, la kobciyo ganacsiga beeraha, […]