Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Xil.Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magacaabay hawl-wadeeno dabagal shaqo ah oo lagu amray in ay muddo kooban ku soo diyaariyaan xog dhameystiran oo ku saabsan suuqyada soo dhoofiya khudaarta iyo cuntooyinka dalka.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaalka lagu xoojinayo wax-soosaarka gudaha iyo joojinta soo gelista qudaarta iyo cuntooyinka tayadoodu liidato ee
















