Wasiirka Wasaradda beeraha iyo Waraabka JFS ayaa Doodo wax ku oolaha kasoo jeediyey Shirwaynaha Qaran ee Maalgashiga Beeraha iyo Cuntada (NAFIS2025) waxaana maanta lagu soo jeediyay Khudbado iyo doodo muhiim ah in lagu falanqeyay xaalada dhabta ah ee maalgashiga beeraha, horumarinta cuntada, iyo doorka tiknoolijiyada ee kobcinta wax soosaarka gudaha.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay madaxa ugu sareeya hey’adda FAO-Somalia iyo qaar ka mid ah masuulin kale ee la socoto.