Wafdi Sare oo uu hogaaminayay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Dr. Hassan Sheikh Mohamoud, ayna ka mid ahaayeen Wasiirka
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xil. Mohamed Abdi Hayir-Mareye, Wasiirka Arimaha
Dibedda Xil. Ahmed Moalim Ahmed Fiqi, Safiiradda Soomaaliya ee Yugaandha, iyo
Safiirka Itoobiya ahna uqaabilsanaha Soomaaliya ee Midowga Africa, Agaasimayaal iyo
khuburo ka socotay Wasaaraddaha Beeraha iyo Waraabka iyo Arimaha Dibedda
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa Magaaladda Kampala ee Caasimadda
Yugaandha uga qayb galay Shirka aan caadiga ahayn ee Horumarinta Beeraha Africa
ama Comprehensive African Agriculture Development Program (CAADP)
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha casriga ah ee loogu talagalay Xarunta Qaranka ee Cilmi baarista Beeraha (NARI) oo laga hirgelinaayo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS.
