Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) Iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa booqasho ku tagay xarunta shirkadda Gaalooge, Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha Degmada Garasbaaleey iyo madaxda shirkadda Gaalooge.

Wasaaradda iyo shirkadda ayaa kala saxiixdeen heshiis wada-shaqeyn oo lagu xoojinaayo taageerada beeraleyda Soomaaliyeed iyadoo Wasaaradda ballan qaaday inay si dhow ula socon doonto xiriirka shirkadda iyo beeraleyda lana xaqiijin doono in beeraley saxda ah ay ka faa’iideystaan adeegyada bangiga horumarinta. Ugu danbeyntii Wasiirka ayaa gudoonsiiyay shirkadda Gaalooge abaalmarin taasoo ah mid ka mid ah […]
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Eng. Maxamed Xasan Cabdulle, ayaa maanta isaga iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda ka qayb galay ololaha is-xilqaanka nadaafadda ee ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda.

Ololahan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaraddu ku horumarinayso bilicda iyo nadaafadda Wasaradda, si loo helo jawi caafimaad leh oo ku habboon adeegga shaqo ee Wasaradda u hayso bulshada. Agaasimaha Guud ayaa ku adkeeyay shaqaalaha muhiimadda ay nadaafaddu u leedahay caafimaadka, tayada shaqada, iyo kor u qaadista adeegyada Wasaaradda, isagoo xusay in barnaamijkaan is xilqaanka […]
Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Arrimaha Bulshada degmada Balcad, Mudane Axmed Maxamed (Wadaad), ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay wafdi ka socda Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS.

Wafdigaan waxay kormeer ku tageen Warshadda Dharka ee degmada Balcad, xaaladda wabiga, iyo kanaallada waraabka, iyagoo qiimeyn ku sameeyay baahiyaha degdegga ah ee dib-u-habaynta u baahan ee degmada. Waxaa la qorsheynayaa dayactir ballaaran oo lagu xoojinayo warshadda, iyadoo beeraleyda deegaanka la siin doono qalab, abuur, iyo tababaro, si wax soosaarkooda loo horumariyo. Kadib, dowladda ayaa […]
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminaayo Wasiir Wasaaradda Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka qayb galay Shir Caalamiga ah ee Wadamada Afrika iyo Ruushka ee Sugnaanta Cuntada, kaas oo qabsoomay 20–21 November 2025 kana dhacay magaalada Addis Ababa, dlaka Itoobiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminaayo Wasiir Wasaaradda Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka qayb galay Shir Caalamiga ah ee Wadamada Afrika iyo Ruushka ee Sugnaanta Cuntada, kaas oo qabsoomay 20–21 November 2025 kana dhacay magaalada Addis Ababa, dlaka Itoobiya. Wasiir Wasaaradda ayaa kulamo gaar ah la yeeshay Ku-xigeenka […]
IPC Integrated Food Security Phase Classification Current Acute Food Insecurity (Jul-Sep 2025)

Overview Poor rainfall, flooding and persistent conflict are driving 3.4 million people into high levels of acute food insecurity (IPC Phase 3 or above) across much of Somalia. Between July and September 2025, around 624,000 people (3 percent of the population) have been experiencing Emergency levels of acute food insecurity (IPC Phase 4), while more […]
Warbixinta Maanta 2-aad

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) Iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa booqasho ku tagay xarunta shirkadda Gaalooge, Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha Degmada Garasbaaleey iyo madaxda shirkadda Gaalooge. Wasaaradda iyo shirkadda ayaa kala saxiixdeen heshiis wada-shaqeyn oo lagu xoojinaayo taageerada beeraleyda Soomaaliyeed iyadoo Wasaaradda ballan qaaday inay si […]
Warbixinta Maanta 1-aad

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha casriga ah ee loogu talagalay Xarunta Qaranka ee Cilmi baarista Beeraha (NARI) oo laga hirgelinaayo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Dhismahaan cusub oo noqonaya xaruntii ugu horreysay ee heer qaran oo si buuxda diiradda u saarta cilmi […]
PRESS RELEASE

Prime Minister Hamza Abdi Barre Lays the Foundation Stone for Somalia’s NationalAgricultural Research Institute (NARI) Mogadishu, Sunday, November 16, 2025– H.E. Hamza Abdi Barre, the Prime Minister of the FederalRepublic of Somalia, officially laid the foundation stone for the headquarters of the National AgriculturalResearch Institute (NARI), a agricultural research leading institution under the Ministry of […]
MoAI Report Journal October- 2025

Jowhar Offstream Storage Programme (JOSP) Octobar 28 2025 The Federal Ministry of Agriculture and Irrigation led by H.E Mohamed Abdi Hayir had the pleasure of convening a high-level Donor Roundtable Conference, chaired by H.E. Salah Jama, Deputy Prime Minister of Somalia, together with the Vice President of Hirshabelle State, H.E. Yusuf Ahmed Hagar (Dabageed). The […]
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Xil.Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magacaabay hawl-wadeeno dabagal shaqo ah oo lagu amray in ay muddo kooban ku soo diyaariyaan xog dhameystiran oo ku saabsan suuqyada soo dhoofiya khudaarta iyo cuntooyinka dalka.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaalka lagu xoojinayo wax-soosaarka gudaha iyo joojinta soo gelista qudaarta iyo cuntooyinka tayadoodu liidato ee si sharci darro ah ku soo gala suuqyada Dalka Soomaaliya. Hawl-wadeenada la magacaabay waxaa lagu amray in ay soo gudbiyaan warbixin faahfaahsan oo ku saabsan sida suuqyada dalka ay ku soo galaan qudaarta iyo cuntooyinka […]