MoAI Loading ...

ISTARAATIIJIYADDA FIDINTA BEERAHASOOMAALIYEED IYO QORSHEHOWLEEDKA 2026-2030

ISTARAATIIJIYADDA FIDINTA BEERAHASOOMAALIYEED IYO QORSHEHOWLEEDKA 2026-2030

DULMARKA ISTIRAATIIJIYADDA FIDINTA BEERAHA SOOMAALIYA IYO QORSHE HOWLEEDKA

Iyada ka shidaal-qaadanaysa hiigsiga ku aaddan dhisidda nidaam adeeg-fidineed,
adkaysi leh, loo dhan yahay, isla markaasna wax ku ool ah, kaas oo awood
siinaya beeralayda Soomaaliyeed, kordhinayana isku-filnaanshaha cuntada si loo
yareeyo ku-tiirsanaanta wax-soo-dhoofsiga, sare u qaadaya dakhliga, taageeraya
helitaanka suuqyada, isla markaana hagaajiya heerka nolosha ee bulshooyinka
beeralayda dalka oo dhan, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad
Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo ay weheliyaan
dhammaan bah-wadaagtooda muhiimka ah waxay diyaariyeen Istaraatiijiyadda
iyo Qorshaha Wax-qabadka Fidinta Beeraha ee Soomaaliya (AESAP) ee 2026
2030, si dib loogu dhiso loona xoojiyo wax-ku-oolnimada adeegyada fidinta iyo
talo-bixinta beeraha ee suuqa xorta ah u hogaansan, baahidiisana ku saleysan,
Yoolka istaraatiijiyaddu waa in la kordhiyo qaadashada iyo adeegsiga
tiknoolajiyada, hababka iyo farsamooyinka horumarsan ee beeraha, si loo gaaro
amni cunto, dakhli iyo nafaqo horseeda koboc dhaqaale iyo horumar bulsho oo
waara, iyadoo la xeerinayo saamaynta isbeddelka cimilada.