MoAI Loading ...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Eng. Maxamed Xasan Cabdulle, ayaa maanta isaga iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda ka qayb galay ololaha is-xilqaanka nadaafadda ee ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda.

Ololahan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaraddu ku horumarinayso bilicda iyo nadaafadda Wasaradda, si loo helo jawi caafimaad leh oo ku habboon adeegga shaqo ee Wasaradda u hayso bulshada.

Agaasimaha Guud ayaa ku adkeeyay shaqaalaha muhiimadda ay nadaafaddu u leedahay caafimaadka, tayada shaqada, iyo kor u qaadista adeegyada Wasaaradda, isagoo xusay in barnaamijkaan is xilqaanka ah la sii wadi doono.

DHAMMAAD

Wixii Faahfaahin ah kala xiriir:
Xafiiska Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya