MoAI Loading ...

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, ayaa qabatay kulanka sanadlaha ah ee Ban-baxa Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, kaas oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda, Wasiir dowlaha, Wasiir ku xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Waaxyaha, Madax qeybeedyada, la-taliyeyaasha, iyo Madaxda Mashaariicda Wasaaradda.

Ujeedada ugu weyn ee barnaamijkaan ayaa ahayd in la xoojiyo is waafajinta mudnaanta shaqo, lana qiimeeyo heerka hirgelinta qorshayaasha Wasaaradda, caqabadaha jira iyo fursadaha la heli karo, si loo dejiyo istaraatiijiyad wax ku ool ah oo hagta hawlaha Wasaaradda sanadka soo socda 2026.

kulankaan ayaa socon doono mudo labo maalin ah ayadoo yoolka la saaraayo sida loo gaari lahaa bulshada beeraleeyda si loo hormariyo beeraha loona xaqiijiyo in dalka uu gaaro sugnaanta cuntada iyo wanaajinta nolosha beeraleyda Soomaaliyeed guud ahaan dalka, taas oo saldhig u ah horumarka waara iyo isku-filnaanta cuntada dalka.

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.