MoAI Loading ...

Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Arrimaha Bulshada degmada Balcad, Mudane Axmed Maxamed (Wadaad), ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay wafdi ka socda Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS.

Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Arrimaha Bulshada degmada Balcad, Mudane Axmed Maxamed (Wadaad), ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay wafdi ka socda Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS.

Wafdigaan waxay kormeer ku tageen Warshadda Dharka ee degmada Balcad, xaaladda wabiga, iyo kanaallada waraabka, iyagoo qiimeyn ku sameeyay baahiyaha degdegga ah ee dib-u-habaynta u baahan ee degmada.

Waxaa la qorsheynayaa dayactir ballaaran oo lagu xoojinayo warshadda, iyadoo beeraleyda deegaanka la siin doono qalab, abuur, iyo tababaro, si wax soosaarkooda loo horumariyo. Kadib, dowladda ayaa ka iibsan doonta wax soo saarka ama suuqyo gudaha iyo dibadda loogu talagalay, si loo dhiirrigeliyo koboca dhaqaalaha bulshada.

Warshadda dharka ee Balcad ayaa horey loogu shaqaaleysiin jiray in ka badan 4,000 shaqaale, taasoo muujineysa muhiimadda dhaqaale iyo mid bulsho ee ay leedahay.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS ayaa u mahadcelisay Wasaaradda Beeraha Hirshabelle, Maamulka degmada, iyo bulshada deegaanka, sida ay xilka ugu saareen ilaalinta hantida dadweynaha, gaar ahaan qalabka iyo hantiya warshaddaas.

DHAMMAAD

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir:
Xafiiska Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya