MOA-01
Loading ...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha casriga ah ee loogu talagalay Xarunta Qaranka ee Cilmi baarista Beeraha (NARI) oo laga hirgelinaayo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha casriga ah ee loogu talagalay Xarunta Qaranka ee Cilmi baarista Beeraha (NARI) oo laga hirgelinaayo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS.

Dhismahaan cusub oo noqonaya xaruntii ugu horreysay ee heer qaran oo si buuxda diiradda u saarta cilmi baarista beeraha, ayaa ka kooban G+2 saddex dabaq, dhismahaan ayaa ka koob aan doono 19 xafiis, 8 shaybaaro casri ah, 2 qayb oo tababar ah, 2 hool oo shaybaar iyo qeyba kale ee taageerada shaqooyinka cilmi baarista.
Dhismahan waxaa maalgelinaya Mashruuca Adkeysiga Nidaamka Cuntada ee Soomaaliya Bankiga Aduunka (Somalia Food Systems Resilience Project), waxaana la filayaa in lagu dhameeyo 12 bilood gudahood.

Xarunta Cilmi baarista Beeraha ee Qaranka (NARI) waxay yeelan doontaa awood balaaran oo muhiim u ah horumarinta beeraha, oo ay ku jiraan:
1- Fulinta cilmi-baaris wax ku ool ah oo ku saabsan dalagyada mudnaanta leh, xoolaha, khayraadka dabiiciga iyo la qabsiga cimilada
2- Horumarinta iyo tijaabinta noocyada dalaga, maamulka germplasm-ka qaranka, iyo nidaamyada xog ururinta sayniska.
3- Soo saarida siyaasadaha qaranka ee beeraha iyo xoojinta hay’adaha iyo aqoonta shaqaalaha
4- Isku-duwidda cilmi baarista gudaha, gaar ahaan jaamacadaha iyo hay’adaha qaran
5- Taageeridda dadaallada dalka ee la qabsiga cimilada, maareynta ciidda iyo biyaha, ogaanshaha cudurada dhirta, bay’oteknoolojiyada, iyo horumarinta beeraha dhijitaalka ah.

Mashaariicdan iyo dhismahan cusub ayaa qeyb weyn ka qaadan doona xoojinta sugnaanta cuntada, casriyeynta beeraha iyo kor u qaadista wax soosaarka dalagyada gudaha, taas oo muhiim u ah dhaqaalaha iyo horumarka beeraleyda Soomaaliyeed.

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.

PRESS RELEASE

Prime Minister Hamza Abdi Barre Lays the Foundation Stone for Somalia’s NationalAgricultural…

Somalia Country Report 2025 The African Seed Access Index

INTRODUCTION The increased use of productivity-enhancing technologies, including mechanization…

PRESS RELEASEOfficial Launch of Beero oo Barwaaqee Soomaaliya (BBS) Integrated Model Farms

Mogadishu, Somalia – September 7, 2025: The Ministry of Agriculture and Irrigation (MoAI)…