Ujeeddada kulanka ayaa ah In la sameeyo hannaan wada-shaqeyn oo joogto ah oo u dhexeeya Wasaaradda Beeraha iyo FAO.
In la is waafajiyo istiraatiijiyadaha qaranka ee beeraha iyo barnaamijyada FAO iyo yagleelida iskaashi xooggan oo keena horumar muuqda kaasoo la rabo in laga dareemo nolosha beeraleyda iyo bulshada Soomaaliyeed guud ahaan.
Shirkaan ayaa la rajeynaa in uu kasoo baxo natiijooyin wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin:-
Heshiisyo ku saabsan jihada istiraatiijiyadda sanadaha soo socda iyo abuurida hanaan dabagal iyo qiimeyn si loo helo saameyn muuqata Go’aano lagu xoojinaayo wada shaqeynta iyo qorshe wadaaga labada dhinac iyo abuuridda guddi iskudubarid oo si joogto ah ula socda hirgelinta istiraatiijiyadaha.
DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS
[email protected]
www.moa.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya


