Wasiirka Wasaradda beeraha iyo Waraabka JFS ayaa Doodo wax ku oolaha kasoo jeediyey Shirwaynaha Qaran ee Maalgashiga Beeraha iyo Cuntada (NAFIS2025) waxaana maanta lagu soo jeediyay Khudbado iyo doodo muhiim ah in lagu falanqeyay xaalada dhabta ah ee maalgashiga beeraha, horumarinta cuntada, iyo doorka tiknoolijiyada ee kobcinta wax soosaarka gudaha.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha casriga ah ee loogu talagalay Xarunta Qaranka ee Cilmi baarista Beeraha (NARI) oo laga hirgelinaayo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS.
