Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Saciid Xuseen Ciid, waxuu maanta dhagax dhig u sameeyay dhismihii lixaad ee laga dhisayo Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, waxuu ka koobnaan doonaa dhismaha laba biyaano, dhismo bakhaar ah iyo dhismo maqaayadeed. Waxaa horay looga dhisay gudaha Xarunta dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka shan dhismo oo kale oo ay ku shaqeyso Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS. Wasiir Saciid, waxuu sameeyay dadaal badan oo ka mid tahay dayactirka Xarunta dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, waxuuna ku dadaali doonaa sii socod siinta dadaalkiisa tirada badan oo lagu dayactirayo Xarumaha Wasaaradda Beeraha kuwa Federaalka ah iyo kuwa Maamul Goboleedka intaba.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Saciid Xuseen Ciid, waxuu maanta dhagax dhig u sameeyay dhismihii lixaad ee laga dhisayo Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS.
by admin | Sep 8, 2021 | Uncategorized | 0 comments
