+252613366697 info@moa.gov.so
Sudan Khartoum: 26-Sep-2022 – Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Md. Axmed Madoobe Nuunow (Axmed Baashi) ayaa xalay safar shaqo ku gaaray caasimada dalka Suudaan ee Khartuum, Waxaana uu maantay booqday xarunta Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay caasumada dalka Sudan ee Khartoum.
Wasiirka ayaa u mahadceliayay Safiirka Soomaaliya u jooga Dalka Suudaan Ambassador Mohamed Sheikh Issak, diblumaasiyiinta iyo howl-wadeenada safaarada oo si wanaagsan soo dhawayn ugu muujiyay wasiirka iyo waftigiisa. Safiir Maxamed Shiikh ayaa wasiirka uga warbixiyay shaqada safaarada iyo adeegyada ay bixiso, Waxaana wasiir Axmed Baashi oo ku ammaanay Safiirka shaqada guud iyo mas’uuliyada loo igmaday sida uu u gutay.