+252613366697 info@moa.gov.so

Garowe Oct-02-2022 – Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Md. Axmed Madoobe Nuunow (Axmed Baashi) Iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maantay safar shaqo ku gaarey magaalada Garoowe, waxaana garoonka kusoo dhaweeyay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Puntland Md. Axmed Shire Siciid.

Soo dhoweyn kaddib, waftiga Wasiirka ayaa soo gaaray xarunta wasaaradda beeraha Puntland, waaxayna kulan la qaateen shaqaalaha Wasaarada, iyadoo goobtaas lagu soo bandhigay waxqabadkii u qabsoomay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland sanadadiii u danbeeyay.

Dhanka kale madaxda labada wasaaradood ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay wasaarada, goobaha ay booqdeena waxaa kamid ahaa xarunta Kaydka lagu la dagaalamo Ayaxa iyo qaybta saadaasha.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Md. Axmed Baashi oo goobta ka hadlay ayaa yiri “Sharaf bay ii tahay in iyadoo aan xafiiska joogo muddo labo bilood ah State-kii ugu horreeyay oo aan booqdo ay Puntland noqoto, macnaha nidaamka federaalka ayaa ah in nidaamka la daadajiyo, safarkaana wuxuu qayb ka yahay diyaarinta qorshaha Qaran ee Beeraha iyo Waraabka, kaasi oo saldhig u ah wadatashiga State-yada”