+252613366697 info@moa.gov.so

Mogadishu: 21 September, 2022. Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS oo kulan wadatashiya oo la xiriira Horumarinta wax soo saarka la qaatay qubarada beeraha ee Dalka

Shirkaan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa Waxaa lagu casuumay xubno horey Madax uga soo noqotay Wasaarada, Aqoonyahano , Iyo xeel-dheerayaal ku takhasuusay xogta Beeraha Iyo Waraabka Dalka Soomaaliya. Waxaana ahmiyadu ahayd in khuburadaas laga dhagaysto talooyinkooda la xiriira kor u qaadida tayada waxsoosaar ee Beeraha Dalka, iyo kawda shaqeynta yoolka Wasaaradda ee ah helidda sugnaan cuno si uu Dalku u gaaro Isku filnaansho dhanka cunada ah oo dhameytiran.

Shirka oo ay goob joog ka ahaayeyn Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Agaasimaha guud Iyo Agaasimo waaxeedyada Wasaaradda ayaa waxaa si rasmiya u furay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Axmed Madoobe Nuunow wuxuuna ku dheeraaday muhiimada ay dalka u leedahay in kor loo qaado waxsoosaarka Dalagyada kasoo go’a Beeraha, si looga baaqsado masiibooyinka ay Abaartu ka mid tahay.

Ugu dambeyn shirkan oo ahmiyad weyn leh ayaa lasoo gabagabayn doonaa maalinta biriya iyadoo talooyinka khuburada Beeruhu ay soo jeediyeena looga faa’iidaysan doono qorshaha Qaran ee Wasaaradu ku howlgali doonto.