Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Md. Axmed Madoobe Nuunow (Axmed Baashi) ayaa maantay soo xiray shir muddo labo maalmood ah ka socday Wasaarada oo la xiriira watashi lala yeelanayay khuburada iyo Xeel-dheerayaasha Beeraha Dalka.
Shirkaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa W/Dowlaha Wasaarada, Iyo Agaasimaha Guud. Waxaana uu daba socdaa Qorshaha Xukuumada (Dan Qaran) ee ah dalka Soomaaliya in uu gaaro isku filnaan xagga dhanka wax-soosaarka, si meesha looga saaro ama loo yareeyo Masiibada Abaarta kusoo noq-noqotay guud ahaanba Dalka Soomaaliya.
Waxaana talooyinkii kasoo baxay shirkaan lagu dabikhi doonaa Qorshaha 5ta Sano ee Wasaaradda iyo Beeraha Iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya. Waana markii ugu horreysay oo Wasaaradu qabato shir noocaan ah oo lagu aruurinayo talooyinka Khuburada Beeraha.