Moqdisho – 24-Sep-2022 – Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Md. Axmed Madoobe Nuunoow (Axmed Baashi) ayaa maantay xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’ada QM u qaabilsan cuntada iyo Beeraha ee FAO Mr Peterschmitt Etienne.
Kulankaan oo ahaa is aragii ugu horreeyay ayaa ku bilowday jawi isbarasho iyo kala warqaadasho, waxaana intii shirkaan socday aad loogu darsay wadashaqayntii hore, mashaariicdii horey loo fuliyay, guulihii la gaaray, caqabadihii, Iyo mashaariicda cusub ee la rajaynayo in ay wada fuliyaan Wasaaaradda Beeraha Iyo Baraabka iyo Hay’adda FAO.
Saacadihii kulankaan uu socday ayaa arrimihii lagu gorfeeyay waxaa ka mid ahaa kor u qaadista wadashaqaynta Wasaaradda Iyo FAO, wax ka qabashada xaaladaha dag-daga ah iyo masiibada Abaarta dalka kusoo noq-noqotay. Waxaa kale oo laga wadahadlay tayaynta wax-soosaarka dalka iyo hormarinta beeraleyda.
Ugu dambayntii Wasiirka Iyo Madaxda FAO ayaa qiimayn iyo kormeer waxaa ay kusoo sameeyeen waaxyabaha wasaaradda, gaar ahaan Qaybta Shaybaarka hubinta tayada waxsoosaar ee cuntooyinka dalka. Waaxdaan Ayaana ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan ee wasaaradda.

2 Responses

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *