Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS waxay maanta oo ay taariikhdu tahay 1 October 2021soo gabagabeysay tababar ku saabsan Maamulka Iskaashatooyinka Beeraha, Xeerarka Dabagalka iyo Qiimeynta, Waxsoo-saarka Beeraha iyo Maamulka Cayayaanka Beeraha iyo Khasaaraha Goosashada kadib iyo habka helitaanka xogta suuqa, waxuu socday tababarka 26 September ilaa 1 October2021. Waxay Wasaaraddu ku casuuntay tababarka kana qeyb galay Shaqaale ka socday Wasaaradaha Beeraha iyo Waraabka ee Maamul Goboleedka Hirshabeele, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Maamul Goboleedka Koofur Galbeed, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Maamul Goboleedka Galmudug iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Beeraha ee Maamul Goboleedka Puntland. Waxaa tababarka soo xiray Abdinasir Omar Osman, Agaasimaha Xiriirka Bulshada iyo Wacyigelinta iyo Maxamed Muuse Aadan, Agaasimaha Waxsoo saarka Beeraha ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS. Waxay ka hadleen Agaasimayaasha in lixda maalin tababarkii la qaatay ee micnaha badan ku fadhiyay laga mira dhaliyo ayadoo la gaarsiinayo loona tababarayo beeraleyda iyo Iskaashatooyinka beeraha soomaaliyeed ee Maamul Goboleedyada Dalka. Waxaa sidoo kale kalmad ku haboon ka jeediyay Dr Xasan Mohamed Osman oo ah la taliyaha sare ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS ee dhanka Qorshenta iyo Siyaasadda, kana mid ahaa tababarayaasha tabarkaan iyo sidoo kale Prof Mohamed Cilmi Guure oo ah Madaxa Dabagalka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS kana mid ahaa tababarayaasha, waxuu ku booriyay inay dadaalka halkaa ka sii wadaan si Waxsoo saarka beeraha u kordho. Gabagabadii tababarka waxaa loo qeybiyay ka qeyb galayaasha tababarka shahaadooyinkii tababarka, waxuu tababarka u dhacay si wanaagsan.
TABABARKA GUDIBINTA AQOONTA IYO TABABARIDDA TABABARAYAASHA BEERALEYDA EE MASHRUUCA TAAKULEYNTA HABKA ADKEYSIGA BEERASHADA QOYSASKA YARYAR AYNA MAALGELISAY HEY’ADDA HORUMARINTA DIBADA EE SWEDEN.
by admin | Oct 8, 2021 | Uncategorized | 0 comments
