+252613366697 info@moa.gov.so

Khartoum, Sudan: 28-Sep-2022 – Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Md. Axmed Madoobe Nuunow (Axmed Baashi) ayaa maantay ka qayb-galay shirka Wadamada Carabta ee Horumarinta Beeraha (Arab Organization for Agricultural Development) oo ay Wasaaradda Beeraha & Waraabka JFS heyso xilka Gudoomiyaha Golaha Guud ee Mudannamada.

Wasiir Axmed Baashi oo shir gudoomiyay madashaas ayaa jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa, isagoo ku booriyey waddamada ku mideysan ururkaas iney maalgashi ku sameystaan waxsoo saarka beeraha Soomaaliya iyo in la iska kaashado horumatinta beeraha.

Sidoo kale – Waxaa shirkaas isna qayb ka ahaa s Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dowladda Suudaan Ambassador Amb Mohamed Sheikh Issak.